Wasiirka Waxbarashada Somalia oo ku goodiyey in la xirayo qaar ka mid ah iskuulada dalka

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradu soo saartay manhajka dugsiyada hoose iyo dhexe oo kooban fasalada 1aad illaa 8aad, isagoo ugu baaqay iney iskuulada dalka iney dhaqan geliyaan laga bilaabo sanadkan.

Wuxuu sheegay dugsigii dhaqan gelin waaya ee dhigi waaya Manhajka cusub ee dalka la xiri doono, isagoo uga digay inay Dugsiyada isticmaalaan Manhajkaasi, isagoo ugu goodiyey in dugsiyada ka hor yimaada Manhajkan aysan istaahilin in arday Soomaaliyeed lagu aamino.

Wasiirka Goodax ayaa sheegay in imtixaan laga qaaday macalimiinta Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dalka oo aan magac lagu qorin ay soo baxday in 22% kaliya ay macalimiin u qalmaan, halka macalimiinta dhigta Dugsiyada sare imtixaankii laga qaaday ay ku dhowaad 30% oo kaliya mudan yihiin inay macalimiin noqdaan taasoo uu sheegay iney tahay arrin nasiib daro ah.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somalia ayaa dadaal ugu jirta in Manhaj mideysan ay ku dhaqmaan Dugsiyada dalka ka jira, gaar ahaan bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan Dallado Waxbarasho oo ka madax banana dowlada, waxaana aad u yar dugsiyada ay dowladu gacanta ku heyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -